Koorsooyin

Habka ay u shaqayso Jaamacadda Ramaas waxay in badan shabahdaa habka ay u shaqaynayeen jaamacadihii aan hore ugu xidhnaa’ – ayuu yiri Sharma’arke Maxamed

“Nidaamka waxbarasho ee Online-ka ahi waa mid aad uga hirgalay dunidan casriga ah ee maanta, waxaana aan in badan ku xidhnaa akaadimiyado iyo jaamacado dunida Carabta caan ka ah, runtii waa guul weyn in la helo jaamacad (UNIGOVEC) Soomaaliyeed oo waxbarasho Online ah laga helaayo gaar ahaan aqoonta la xidhiidha maamulka iyo siyaasadda oo bulshada Soomaaliyeed baahi weyn u qabto.” – ayuu yiri Sharma’arke Maxamed Cismaan.

Faa’idooyinka ay leeyihiin qaadashada koorsooyinka Online-ka ah

Inaad noloshaada maamuli karto oo aad wakhtigaaga illaalin karto waxaad oganaysaa marka aad qaadato koorsooyinka Online. Maxaa yeelay waxaa lagaa sugayaa waa inaad cashiradaada online-ka ah qaadato adigoo hawlaha nolol maalmeedkaaga isaga jira. Waxa hubaal ah in aad la kulanto waxyaabo aan laga maarmi karin laakiin faa’idooyinka ah inaad nafsadaada horumariso waa lagama maarmaan.

Scroll to Top