News

Ku dhawaaqid astaanta jaamacadda iyo magac beddelka cusub

Magaca iyo Astaanta cusub ayaa ka turjubanayso ujeedada ay u taagan tahay Jaamacadda Ramaas. Dhexda waxaa kaaga dhex muuqda caddaalad iyo dowladnimo, Dhaqanka Soomaalida oo u taagan dhiisha, Cilmi baaris iyo sayniska, iyo dunida oo macnahiisu yahay in jiilkeena aan u diyaarino sidii ay dunida u hogaamin lahayeen. Shanta xiddig oo kore waa shanta soomaaliweyn iyo arkaamaha diinta islaamka. Dhinacyada waxaa kaaga muuqda xiddigo ka kooban 6 iyo 6 oo u taagan sanadka 12-ka biloood. Tiirarkana waa astaanta u taagan dhisida bulsho isbeddel leh.

Habka ay u shaqayso Jaamacadda Ramaas waxay in badan shabahdaa habka ay u shaqaynayeen jaamacadihii aan hore ugu xidhnaa’ – ayuu yiri Sharma’arke Maxamed

“Nidaamka waxbarasho ee Online-ka ahi waa mid aad uga hirgalay dunidan casriga ah ee maanta, waxaana aan in badan ku xidhnaa akaadimiyado iyo jaamacado dunida Carabta caan ka ah, runtii waa guul weyn in la helo jaamacad (UNIGOVEC) Soomaaliyeed oo waxbarasho Online ah laga helaayo gaar ahaan aqoonta la xidhiidha maamulka iyo siyaasadda oo bulshada Soomaaliyeed baahi weyn u qabto.” – ayuu yiri Sharma’arke Maxamed Cismaan.

Waa maxay sababta aad u dooranayso UNIGOVEC?

Waxaa laga yabaa inaad maqashay hadal-heynta Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha, waxaana laga yabaa inaad iswaydiisay waa maxay sababta aan u dooranayo Jaamacaddan! Haddaba jawaab aad ku qanci karto halkaan ka akhriso. Tartanka adag ee suuqa shaqada ee sii kordheysa awgeed, waxay noqotay in muhiimad gaar ah la iska saaro Tayaynta Nidaamka Waxbarashada Jaamacaddeed ee Soomaaliya …

Waa maxay sababta aad u dooranayso UNIGOVEC? Read More »

Faa’idooyinka ay leeyihiin qaadashada koorsooyinka Online-ka ah

Inaad noloshaada maamuli karto oo aad wakhtigaaga illaalin karto waxaad oganaysaa marka aad qaadato koorsooyinka Online. Maxaa yeelay waxaa lagaa sugayaa waa inaad cashiradaada online-ka ah qaadato adigoo hawlaha nolol maalmeedkaaga isaga jira. Waxa hubaal ah in aad la kulanto waxyaabo aan laga maarmi karin laakiin faa’idooyinka ah inaad nafsadaada horumariso waa lagama maarmaan.

Scroll to Top