Course Library
Course Certifications
The Executive Professional Programs

Fundamentals of Domestic Violence and Abuse
Fee: $60
Reviews
5/5
Testimonials
Our Students
The UNIGOVEC courses is a life and results that’s represent success and rich a quality knowledge it delivered many of us in their homes in a easy way those could not have time to go in knowledge area.
- Tilburg, Netherlands

This university's (The University of Government and Economics) courses has encouraged me and revived mentally that exhausted to find knowledge from some where else finally, this Web helped me what I have looked for other places and I appreciated. - Addis Ababa, Ethiopia

Fikirkaan waxbarashada ee Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha aad ayaan ula dhacay runtii. Aad baan ugu faraxsanahay inaan helno jaamacad online ah oo noocaan oo kale ah. Waxaan ku faraxsanahay inaan kamid noqdo ardeydii ugu horeeyey ee ka qalin-jabisa jaamacadaan. Mahadsanidiin UNIGOVEC. - Lørenskog, Norway

Hannaankan waxbarashada Online-ka ee Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha, runtii waa mid si heersare ah loo diyaariyay. Wuxuu ibo fur u yahay waxbarashada iyo aqoon korodhsiga tignoolajiyadeed ee bulshada Soomaalida, oo waayadii hore aad ugu yaraa, ilaa haatanna horumar iyo dedaal ku socdo. Farxad bay ii tahay in aan ka mid ahay ardayda sida tooska ugu xidhan, sida joogtada ahna u qaata hadba koorsooyinka kala duwan ee ay jaamacaddu bixiso. Ardayda iyo mutacalinka Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa in uu ku xidhnaado, oo xirfaddiisa iyo aqoontiisa kor u qaado, isaga oo ku soo biiraya Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in ay ii dhammaatay koorsadii Online-ka ahayd ee aan ka qaatay Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha, waliba aan ku helay shahaadadeyda koorsada sida ugu dhaqsiyaha badan. Runtii waxan u mahadcelinayaa macalinkii sida fiican cashirada u soo diyaariyey waliba hab-casriyeysan. Mahadsanidiin.

Ugu horreyn Allah swt ayaa mahad iska leh waxaa kaloo u mahad celinaa dhammaan bahda Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo jecel horumarka umadda soomaaliyeed, waxaa jeclaan lahaa in aad hawshaan koorsooyinka online-ka ah sii wadaan. Mahadsanidiin

Ugu horeyn waxaan kamid ahay ardeyda ka qaadatay Jaamacadda Course-ka International Business Management. Waxaana ku qaatay qaab online ah, waxaan aad u bogaadinaya Jaamacadda The University of The Government and Economics ee hindistey fursadan qaaliga ah taasoo la jaan qaadeysa dunidan casriga ah. Waxa farxad leh in hab Online casri ah aad ku dhiganaysid Courses-ka aad rabto. Waxa halkaan Hambalyo uga dirayaa Maamulka Iyo Macalimiinta Jaamacadda oo si heer sarre ah u diyaariyey cashirada koorsada aan qaatay ee Maamulka Ganacsiga Caalamiga.

“Waxaan ka mid ahay ardayda ka faa’idaystay koorsooyinka Professional Training ah oo ay habka casriga ah ku bixiso Jaamacadda Dowlada iyo Dhaqaalaha. Waxaan u mahad naqayaa maamulka iyo macalimiinta jaamacadda oo runtii fursad dahabiya inoo siiyay inaan qaadano koorsooyinkaan baahida wayn loo qabay, kaas ooy keeneen waqtigii ku habboonaa.”

Ugu horreyn Allah swt ayaa mahad iska leh waxaa kaloo u mahad celinaa dhammaan bahda Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo jecel horumarka umadda soomaaliyeed, waxaa jeclaan lahaa in aad hawshaan koorsooyinka online-ka ah sii wadaan. Mahadsanidiin

Find the right learning path for you
Match your goals to our programs, explore your options, and map out your path to success.