Habka ay u shaqayso Jaamacadda Ramaas waxay in badan shabahdaa habka ay u shaqaynayeen jaamacadihii aan hore ugu xidhnaa’ – ayuu yiri Sharma’arke Maxamed

Summary. “Nidaamka waxbarasho ee Online-ka ahi waa mid aad uga hirgalay dunidan casriga ah ee maanta, waxaana aan in badan ku xidhnaa akaadimiyado iyo jaamacado dunida Carabta caan ka ah, runtii waa guul weyn in la helo jaamacad (UNIGOVEC) Soomaaliyeed oo waxbarasho Online ah laga helaayo gaar ahaan aqoonta la xidhiidha maamulka iyo siyaasadda oo bulshada Soomaaliyeed baahi weyn u qabto.” – ayuu yiri Sharma’arke Maxamed Cismaan.

Sharma’arke Maxamed Cismaan waa mid kamid ah ardayda sida tooska ah Online-ka ku qaatay haddana helay koorsada shahaadeeda. Qoraalkaan wuxuu faallo kooban ka bixinayaa habka iyo nidaamka uu u qaatay koorsada waliba sida degdega leh uu ku helay shahaadadiisa.

Jaamacadda Ramaas ayaa xoogga saarayso sidii ay marwalbo ugu warqabi lahayd ardaydeeda wax ka barato ama kuwa xiisaynaayo inay kusoo biiraan jaamacadda. Si’aan u ogaano caqabadaha haysto ardaydeena ayaa waxaa masuuliyad adag iska saarnay siddii aan u wareysan lahayn ardayda si aan u ogaano marxaladdaha ay ku sugan yihiin.

Sida aan horeyba inkuugu soo gudbinay wareysyo horre oo caddeynaayo aragtida ay ka qaataan ardayda marka ay jaamacadda ka qaataan koorsooyinka Online ah. Wareysigaan waxaa marti ku ah Sharma’arke Maxamed Cismaan oo magaca shahaadadiisa ay u qoran tahay sidaan Sharmaarke Mohamed Issa. Sharma’arke ayaa ka mahadceliyey inuu qaab online ah ku helay koorso uu in muddo ah raadinayay kama dambeys wuxuu ka helay Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha. Wuxuu yiri Sharma’arke “Waxa aan Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ka qaatay koorso aan in badan raadinayay xidhiidhna la leh shaqadayda taas oo ah Fundementels of Project management.”

Bulshada Soomaaliyeed ayaa hadda aad ugu baraarugtay in qaab online ah wax lagu baran karo, qofka asigoo waxbaranaayo ayuu haddana shaqeynsan karaa ama qoyskiisa iyo caruurtiisa uu ku dhex jiri karaa – dunida waa ay isku furan tahay maanta.

“Nidaamka waxbarasho ee Online-ka ahi waa mid aad uga hirgalay dunidan casriga ah ee maanta, waxaana aan in badan ku xidhnaa akaadimiyado iyo jaamacado dunida Carabta caan ka ah, runtii waa guul weyn in la helo jaamacad Soomaaliyeed oo waxbarasho Online ah laga helaayo gaar ahaan aqoonta la xidhiidha maamulka iyo siyaasadda oo bulshada Soomaaliyeed baahi weyn u qabto.” – ayuu yiri Sharma’arke Maxamed Cismaan.

Sharma’arke Maxamed asigoo faallo ka bixinaayo Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha wuxuu yiri “Habka ay u shaqayso jaamacaddan UNIGOVEC waxa ay in badan shabahdaa habka ay u shaqaynayeen jaamacadihii aan hore ugu xidhnaa, waxaana aan aad uga helay sida firfircoon ee farriimaha ardayga looga jawaab celinayo, shaqo wacan ayaan ku arkay intii aan dhiganayay.”

Yaa kugu dhiiro-geliyey inaad qaadato koorsadan?

  • Waxa ugu badan ee igu dhiirrigeliyey waa dareen naftayda ka guuxayay muddo oo ahaa in aan horumariyo xirfadayda maamul ee la xidhiidha shaqada aan gacanta ku hayo.

Shahaadada koorsada wakhti intee la’eg ayay kugu qaadatay inaad hesho?

  • Shahaadada koorsadan waxaan ku helay muddo aad u kooban (Saacado).

Waxbarashada waligeed ma noqonin sida ay maanta tahay. Taas oo ay ugu wacan tahay teknoolijiyada dhijitaalka ah iyo tiro badan oo ah goobo waxbarasho oo leh nidaamka waxbarashada Online-ka ah.

Xiisaha loo qabo koorsooyinka Online-ka ah ayaa aad caan u noqday wakhtiyadan dambe. Waxaa loo arkaa habka ugu wanaagsan ee lagu baran karo xirfado cusub, siinaya ardayda dabacsanaantooda iyo xorriyada ay wax ku bartaan. Koorsooyinka Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ayaa loo habbeeyay oo loo qorsheeyey si ay u suurtogeliyaan isu dheelitirnaanta nolosha shaqada iyo waxbarashada.

Marka aad Online-ka wax ku baranayso uma baahnid inaad dal kale ama aad masaafo dheer u baxdo si aad koorso ama kuliyad waxbarasho ugu qeyb gasho. Waxaad qaadan kartaa koorsada aad u baahan tahay adigoo aan ka tegin booskaaga shaqo.

Si kastaba ha ahaatee, Haddii aad rabto inaad noqoto qof madax bannaan qaabka waxbarashada Online-ka ah ayaa laga yaabaa inay kuu ogolaato inaad xor-u-noqoto wakhtiga aad xaadirayso koorsadaada adigoo aan ka tegin shaqadaada.

Inaad noloshaada maamuli karto oo aad wakhtigaaga illaalin karto waxaad oganaysaa marka aad qaadato koorsooyinka Online. Maxaa yeelay waxaa lagaa sugayaa waa inaad cashiradaada online-ka ah qaadato adigoo hawlaha nolol maalmeedkaaga isaga jira. Waxa hubaal ah in aad la kulanto waxyaabo aan laga maarmi karin laakiin faa’idooyinka ah inaad nafsadaada horumariso waa lagama maarmaan.

Dhammaan koorsooyinka Online-ka ah ee ay bixiso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha wax sharuud ah kuma xerno. Xittaa haddii aadan waligaa dugsi sarre kasoo bixin koorsooyinka Online-ka ah waad qaadan kartaa, waxaadna u baahan tahay oo kali inaad isdiiwaan geliso kadibna aad iska bixiso fee-ga yar ee koorsada. Ujeedka ay jaamacadda ka leedahay ayaa ah in la horumariyo bulshada qeybaheeda kala duwan si fursadaha loo balaariyo.

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top