Koorsada La Socodka iyo Qiimaynta Mashruucyada (Project Monitoring and Evaluation Certificate)

Ku soo dhawoow maqaalkan ku saabsan la socodka iyo qiimaynta mashruucyada oo ay bixinayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics),

Waxaan baarnay faa’iidooyinka ay leedahay in la barto kormeerka iyo qiimaynta mashruucyada, sidoo kalena in baahi weyn loo qabo. Koorsadaan oo magaceedu yahay ‘Kormeerka iyo Qiimaynta Mashruucyada’ waa koorso soconayso 8 maalmood oo kali, sidoo kale dhammaan ardayda ka qeyb gasho waxay ku qaadan doonaan shahaado.

Haddii aad xiisaynayso inaad wax badan ka barato la socodka iyo qiimaynta mashruucyada waxaad joogtaa goobtii saxda ahayd. Koorsadaan ayaa si qoto dheer u sharaxayso kormeerka iyo qiimeynta iyo farqiga muhiimka ah ee u dhexeeya labadaas qodob. Sidoo kale, tabbabarka koorsadaan waxaad ku baran doontaa cabbiraadda Aragtida Isbeddelka iyo Saamaynta.

Waxaadna ku baranaysaa qorshayaasha sida fiican u shaqeeyey iyo kuwa aan sidii loogu tala galay aan u shaqeynin, ​waxa aad ku fiicnaan doontaa in aad dejiso mashaariicda mustaqbalka oo aad ku kalsoonaan karto inay waxtar yeelan doonaan.

Qaadashada koorsadaan faa’iidada ku jirto kuma koobno oo kali inaad fahanto macluumaadka mashaariicyada, waxay kaloo anfacaysaa sidoo kale mustaqbalkaaga. Shahaadada koorsadaan ayaa kamid ah shahaadooyinka aadka loogu qiimeeyo dunida. Sababtoo ah waxwalbo dunida waa mashruuc, ganacsi walbo waa mashruuc, hay’ad walbo waxay u baahan tahay inay hesho dad u maamula mashruuceeda.

Tabbabaraha (macalinka) koorsadaan kuu dhigaayo waa aqoonyahan ka soo shaqeeyey hay’ado kala duwan sida hay’adaha NGO-yada iyo kuwa maxaliga ah, aqoon duruqsan u leh qaabka mashquucyada u shaqeeyaan. Maxaa yeelay hadafka jaamacadda ayaa ah in dadkeena loo diyaariyo xaddaarada cusub ee dunida iyo suuqa shaqada. Jaamacadda dawladda iyo dhaqaalaha waa jaamacad ku takhasustay siyaasadda guud iyo dhaqaalaha. Hadafka Jaamacaddu ayaa ah in la horumariyo siyaasadda guud, dhaqaalaha iyo hoggaaminta si dadku ugu noolaadaan nolol ammaan leh, caddaalad iyo barwaaqo waarta.

Si aad isku diiwaan geliso koorsadaan waxaad kala xariiraysaa xafiiska Diiwaan Gelinta TELEFON LAMBAR: 061017 1010

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top