Maanta oo ay taariikhda tahay 22.08.2023 Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxa ay aad ugu faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo guul muhiim ah oo ay taariikhda qorayso. Jaamacadda ayaa qaadanayso magac cusub, sumad cusub iyo istiraatijad cusub – beddelka magaca cusub oo ka tarjumaysa horumarkayaga ee sii socda iyo sida ay uga go’an tahay jaamacadda sii socoshada tayaynteeda heerka sare ee waxbarashada iyo hal-abuurka.
Kadib tixgalin taxadir leh iyo jawaab celin ballaaran oo ka timid macalimiinteena sharafta leh, tallo bixin noogu timid Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee sharafta leh, shaqaalaha jaamacadda ee heeganka ah, ardaydeena, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan waxaanu qaadnay talaabadan muhiimka ah si aanu u abuurno aqoonsi magac iyo sumad cusub oo soo jiidanaysa nuxurka himiladeena mustaqbalka.
Magaca Jaamacadda Cusub: Jaamacadda Ramaas – Ramaas University
Astaanta Cusub: Astaanta cusub ayaa ka turjubanayso ujeedada ay u taagan tahay Jaamacadda Ramaas. Dhexda waxaa kaaga dhex muuqda caddaalad iyo dowladnimo, Dhaqanka Soomaalida oo u taagan dhiisha, Cilmi baaris iyo sayniska, iyo dunida oo macnahiisu yahay in jiilkeena aan u diyaarino sidii ay dunida u hogaamin lahayeen. Shanta xiddig oo kore waa shanta soomaaliweyn iyo arkaamaha diinta islaamka. Dhinacyada waxaa kaaga muuqda xiddigo ka kooban 6 iyo 6 oo u taagan sanadka 12-ka biloood. Tiirarkana waa astaanta u taagan dhisida bulsho isbeddel leh.
Astaanteena cusub waxay soo koobaysaa oo ay astaan u tahay u heelanaantayada si aan u kobcinno bulshadeena, deegaan sii koraayo oo leh koboca tacliimeed iyo shakhsi ahaaneed, halkaas oo fikraduhu ku koraan, ardaydana la siiyo awood si ay u noqdaan hoggaamiyeyaasha berrito.
Waa maxay sababta Isbadalka?
Sababta ayaa ah in aan safka hore kaga jirno tacliinta sarre iyo cilmi-baarista, waxaan aqoonsannay muhiimadda ay leedahay la qabsiga dunida sida degdega ah oo horumaraysa. Magacaan iyo sumaddan cusub waxa uu ka tarjumayaa baaxadda balaaran ee barnaamijyada tacliineed ee aanu bixino, sida horeyba jaamacadda loogu bartay waxay bixisaa kuliyado aan dalka laga helin intiisa badan oo aad ugu cusub, waxaana jaamacadda hadda lagu soo kordhin doonaa kuliyado cusub oo kala duwan.
Maxaa kale oo isbeddeli doona?
Inta aan ku guda jirno safarkan cusub ee xiisaha leh, waxaa lama huraan ah in aan xoogga saarno in go’aankeena aan kala go’a lahayn ee bixinta waxbarashada gaarka ah uu yahay mid aan isbeddelin. Macalimiinteena, fursadaha cilmi baarista, iyo u heelnaanta guusha ardaydeena ayaa sii ahaan doona tiirarka Jaamacadda Ramaas – Ramaas University.
Qorshaha kale:
Waxaan si degdeg ah u bilaabi doonaa dhaqan gelinta isbedelada, anagoo ka bilaabayna cusboonaysiinta gudaha webka jaamacadda, isgaarsiinteena, iyo kanaalada warbaahinta bulshada. Intaa waxaa dheer, waxaad arki doontaa astaanta cusub oo ka soo dhex muuqan doonta hawlaha jaamacadda.
Mahadcelin:
Waxaan u mahadcelineynaa taageerada hagar la’aanta ah ee ardaydeena, macalimiinteena, iyo shaqaalaha inta lagu jiro nidaamka isbeddelka ah. Waxaan kaa rabnaa inaad nagu taageerto magacan cusub adigoo nagu taageeraayo naf-hurnimadaada iyo dulqaadkaaga.
Waad ku mahadsan tahay inaad qayb muhiim ah ka tahay safarkayaga ee hiigsiga dheer. Si wada jir ah, waxaanu wada dhisi doonaa mustaqbal ifaya ee jiilasha soo socda.
Mahadsanidiin