Tan iyo markii la aasaasay, barnaamijkan waxbarasho ee Shahaadada Jaamacaddeed ee barashada Nabadda Caalamka iyo Cadaalada Bulshada ‘Bachelor of Global Peace and Social Justice’ wuxuu ardayda barayaa sida ay dhaqso u fahmi karaan marka ay jirto caddaalad-darro, gaar ahaan isbarbardhiga caddaalad-darrooyin hore iyo kuwa jira hadda iyo sida loo aqoonsado nidaamyada dowladdeed ee rabshadaha ku dhisan.
Nabadda Caalamiga ah iyo Caddaaladda Bulsho waa barnaanij waxbarasho jaamacaddeed oo ujeedkiisu yahay inay abuurto muwaadiniin xog-ogaal ah oo firfircoon oo u fiirsada arrimaha dowladnimada iyo qiyamka lagama maarmaanka u ah dhismaha bulshada si wax loogu qabto colaadaha iyo caddaaladda iyo sinnaanta la’aanta.
Shahaadadan koowaad ee jaamacadda ee Nabadda Caalamka iyo Cadaalada Bulshada waxay kuu diyaarin kartaa xirfado dhinacyo kala duwan ah, oo ay ku jiraan xiriirka caalamiga ah, sharciga, diblomaasiyadda, iyo shaqooyinka arrimaha bulshada. Xirfadaha aad ku baran doonto barnaamijkan waxbarasho ee jaamacaddeed waxay sidoo kale noqon doontaa mid qiimo badan kuu leh goob kasta oo shaqadeedu tahay maaraynta nabadda iyo xallinta isku dhaca, caddaalada bulshada iwm.
Waxaad baran doontaa hababka kala duwan ee xallinta khilaafaadka iyo sida loo isticmaalo xaaladaha kala duwan. Waxa kale oo aad ka heli doontaa faham ku saabsan sababaha asaasiga ah ee isku dhaca iyo sida looga hortagi karo in uu marka hore dhaco. Fahanka caddaalada bulshada iyo caalamka ayaa asal u ah kuliyadan waxbarasho.
Waa maxay caddaalad bulsho?
Caddaaladda bulshadu waa aragti siyaasadeed iyo falsafadeed taas oo caddaynaysa in ay jiraan cabbirro fikradda caddaaladda oo ka baxsan mabaadi’da sharciga madaniga ah ama dembiyada, waa sahayda dhaqaalle kobcinta dalka iyo baahida, ama qaab-dhismeedka anshaxa dhaqanka bulshada.
Cadaalada bulshadu waxa ay tilmaamaysaa qaybsiga khayraadka, fursadaha iyo mudnaanta bulshada dhexdeeda caddaalad iyo sinaan. Asal ahaan aragtida caddaalada waa aragti ka timid awaamiirta Diinta Islaamka, si bulshada ay u helaan xaquuq loo wada siman yahay ee ay bixiyaan hay’adaha maamula arrimaha bulshada ee bixiya helitaanka faa’iidooyinka dhaqaale. Waxaa mararka qaarkood loo yaqaanaa “cadaalad qaybinta.”
Caddaaladda bulshadu waa erey ballaaran, waxaana jira kala duwanaansho badan oo ku saabsan aragtida caddaalada bulshada. Si kastaba ha ahaatee, dadka go’aamiya arrimaha bulsha sida hantida, xaquuqda muwaadinka ama helitaanka daryeelka caafimaad ee aan sinnayn ayaa si weyn uga dhex muuqda falanqaynta caddaaladda bulshada.
Waxaad baran doontaa dhaqannada kala duwan ee dunida iyo hababka ay u xalliyaan dhibaatooyinkooda bulsho. Waxaadna baran doontaa fahanka Sharciyada caalamka iyo sida sharciyadaasi loogu isticmaali karo xallinta khilaafaadka.
Xallinta isku dhacyada waxaa loo qaabeeyaa hababka ku lug leh fududaynta in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka iyo aargoosiga. Si khilaaf jira loo soo afjarro waxaa marwalbo lagama maarmaan u ah helida caddaalad lagu kalsoonaan karo.
Cabbirrada xallintu waxay caadi ahaan barbar socdaan cabbirrada isku dhaca habka loo maareeyo isku dhaca. Xallinta garashada waa habka ay u fahmaan oo ay u arkaan khilaafyada, caqiidada, aragtida, fahamka iyo dabeecadaha. Xallinta shucuurtu waxay ku jirtaa habka ay kuwa is-haya u dareemaan isku dhac, tamarta shucuureed. Xallinta akhlaaqdu waxay ka tarjumaysaa sida ay u dhaqmaan kuwa is khilaafay, dhaqankooda. Ugu dambeyntii habab kala duwan oo wax looga qabanayo isku dhaca ayaa jira, oo ay ku jiraan gorgortanka, dhexdhexaadinta, diblomaasiyadda, iyo dhisidda nabadda.
Waa maxay sababta Nabadda Caalamiga ah iyo Caddaaladda Bulshada ay u tahay doorasho waxbarasho oo wanaagsan?
Nabadda Caalamiga ah iyo Caddaaladda Bulshada waa kuliyad waxbarasho oo aad iska dhex arki karto haddii aad xiisaynayso hawlaha ku lugta leh leh horumarinta caafimaadka bulshada iyo samaqabka iyada oo loo marayo mashaariicda waxbarashada, nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee adduunka oo dhan.
Koorasyadayada kala duwan ee kuliyadan waxbarasho waxay ardayda siisaa faham xog ogaal ah oo ku saabsan naftooda iyo adduunka ku hareeraysan. Waxaan ku dhiirigelinaa ardayda inay baaraan goobahooda bulsheed iyo mas’uuliyadaha anshaxeed oo aan ku qalabeyno xirfadaha lagama maarmaanka u ah.
Sannadihii u dambeeyay, ereyga “cadaalad bulsho” wuxuu noqday mid caan ah sida “xuquuqda aadanaha.” Waxayna khusaysaa caddaaladda xagga hantida, fursadaha, baahiyaha aasaasiga ah, iwm, oo ay weheliyaan koorsooyin kor u qaadaya fekerka muhiimka ah iyo xirfadaha qaab-qorista ee ardayda, waxaa sidoo kale jira fursado badan oo ku salaysan kuliyadan waxbarasho iyada oo loo marayo koorsooyinkeena khibrada leh iyo dhacdooyinka ka qaybgalka doodaha dadweynaha ee uu kafaalo qaado Machadka Difaaca iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee Soomaaliyeed.
Barnaamijka waxbarasho ee ay bixinayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxa uu si gaar ah xoogga u saarayaa habka dhisida nabadda wax ku oolka ah.
Layli shaqo (Internship):
Mudada 3-da sano ee aad dhiganayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa lagaa rabaa inaad shaqayso muddo 3 bilood ah si cilmiga aad baratay aad ugu shaqeyn karto. Farqi weyn ayaa u dhexeeya goobaha shaqada iyo goobaha waxbarashada. Si derbigaan loo jabiyo ardayda dhigato Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa loo diraa layliyo shaqo, waxayna ardayda ka helaan khibrad shaqo oo faa’ido weyn u leh si aysan indhaha u taagan marka ay jaamacadda dhammeystirtaan.
Waxaa jira layli shaqo oo lacag ah iyo mid aan mushahar lahayn
Waxaa jira laba nooc oo layliyo ah, kuwa lacag bixinaayo, iyo kuwa lacag la’aan. Inta badan waa lacag la’aan muddadaas 3-da bilood ah, laakiin waxaa laga yabaa inaad hesho kuwa mushaar bixinaayo.
Caadi ahaan waxay bixiyaan mushahar yar, laakiin waxay isu bedeli kartaa mushaar toos ah oo lacag fiican leh, waa haddii ay ka helaan shaqadaada, caqlaaqdaada iyo dadnimadaada. Haddii aad si xamaasad leh u shaqeyso, waxaa jirta fursad uu ururkaasi/shirkadaasi ku siin doono heshiis qandaraas toos ah.
Faa’idooyin aan la soo koobi karin ayaa ku jira in ardaydeena aado Layli Shaqo
Khibrad shaqo oo qiimo leh.
Midda ugu horreysa iyo tan ugu muhiimsan waa, dabcan, helitaanka khibrad shaqo oo qiimo leh. Waxaan waqtigeena qaaliga ah ku bixinaa waxbarasho aan noo diyaarin nolol la taaban karo, sax?
3-da sano ee waxbarashada jaamacaddeed, inta badan waxaynu leenahay hal hadaf. Inteena badan ujeedkeena waxbarasho ayaa ah inaan imtixanaadka ku baasto oo aan helno natiijo fiican. Laakiin ma isweydiisay waxbarashada kadib, ma tahay qof u diyaarsan inuu shaqeysan karo ama shaqo raadsan karo? sidee ula qabsan kartaa goobaha shaqada?
Layliga Shaqo waa wadada kaliya ee kaa caawin kara oo ku baraya qaybta dhabta ah ee nolosha maalin laha ah. Indhahaagu aad bay u furmi doonaan markaad ogaato goobaha shaqada iyo waxyaabaha ka jira, gaar ahaan farqiga u dhexeeya cilmiga aad jaamacadda kasoo baratay iyo goobaha shaqada. Ujeedka ay jaamacadda ka leedahay layligaan shaqo ayaa ah in ardayda ka baxday Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ay yihiin kuwa u diyaarsan suuqa shaqada, wakhti horeba CV-gooda dhisan yahay.
Tan iyo markii la aasaasay, barnaamijkan waxbarasho ee Nabadda iyo Caddaaladda Bulshada ee Caalamiga ah wuxuu ardayda barayaa sida ay dhaqso u fahmi karaan marka ay jirto caddaalad-darro, gaar ahaan isbarbardhiga caddaalad-darrooyin hore iyo kuwa jira hadda iyo sida loo aqoonsado nidaamyada dowladdeed ee rabshadaha ku dhisan.
Nabadda Caalamiga ah iyo Caddaaladda Bulsho waa barnaanij waxbarasho jaamacaddeed oo ujeedkiisu yahay inay abuurto muwaadiniin xog-ogaal ah oo firfircoon oo u fiirsada arrimaha dowladnimada iyo qiyamka lagama maarmaanka u ah dhismaha bulshada si wax loogu qabto colaadaha iyo caddaaladda iyo sinnaanta la’aanta.
Yaa iska diiwaan gelin kara?
Waxaa bilaabi karo oo iska diiwaan gelin karo qofwalbo oo dugsiga sarre dhammeeyay, qof horrey usoo qaatay kuliyadaha kale ee waxbarashada jaamacaddeed.
Si’aad iskeega diiwaan geliso kuliyadan waxbarasho waxaad u baahan tahay inaad halkaan ka akhrisato RIIX HALKAAN. Haddii wakhti horeba aad go’aansatay inaad kamid noqoto ardaydeena waxaad u baahan tahay oo kali inaad iska diiwaan geliso sida ugu dhaqsiyaha badan adigoo nagala soo xariiri karo emailka xafiiska diiwaangelinta: admissions@ramaas.edu.so ama telefon lambarkeena: 061010 71010
Waxaad kaloo si toos ah iskeega diiwaan gelin kartaa qaab ONLINE ah, adigoo waliba kusoo diri karo dhammaan dokumentiyada lagaaga baahan yahay si ay jaamacadda kuu aqbasho: RIIX HALKAAN