Shahaadada Jaamacaddeed ee Daraasaadka Amniga Qaranka iyo Sirdoonka

Summary. Si lagaaga caawiyo diiwaan gelinta iyo guud ahaan su'aalaha aad u baahan tahay in lagaaga jawaabo waxaad nagala soo xariiri kartaa emailka ama telefon lambarka Jaamcadda: 0610171010 ama WhatsApp: +252610171010 Email: admissions@ramaas.edu.so

Bachelor of National Security and Intelligence Studies waa barnaamij waxbarasho jaamacaddeed oo saddex sano ah oo ay bixiso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha.

Kuliyadan waxbarasho waxay gacan ka geysaneysaa buuxinta kaalinta dhisida hay’ad sirdoon oo tayo fiican leh, ardayda baranaysa waxay aqoon iyo fahan buuxa ka qaadanayan; fahamka amniga qaranka, siyaasadda dowladda, ciidamada iyo fulinta sharciga rayidka.

Kuliyadan waxbarasho ee Bachelor of National Security and Intelligence Studies ee ay bixinayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo ah Jaamacaddii ugu horreysay ee gudaha Soomaaliya ka bilawday kuliyadan waxbarasho waxay jaamacadda ku bixinaysaa qaab Online ah iyo xarunta Jaamacadda ee magaaladda Muqdisho.

Ardayda qaadanayo kuliyadan waxbarasho waxaa wanaagsan inay noqdaan kuwa u heegan badbaadada Qarankeena, sidoo kale macalimiinta jaamacadda waxa ka go’an in ay ardayda ka dhisaan dhinacyo badan si ay u daboolaan baahiyahooda waxbarasho.

Kuliyadan waxbarasho sida aad ka arki karto gudaha webka jaamacadda waxaad ku baranaysaa maaddooyin aad loogu soo shaqeeyey oo leh mawduucyo kala duwan oo dhamaystiran oo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada, anshaxa, siyaasadaha amniga qaranka, iyo siyaasada juquraafiyeed ee gobollada geeska Afrika iyo caalamka. Iyadoo manhaj adag ay u diyaarisay jaamacadda, ardayda waxay si cilmiyeysan u baran doonaan hababka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ay wax u baaraan sida xaaladaha arrimaha ugu daran ee ka taagan Soomaaliya iyo inta badan dalalka Afrikaanka ah ee ka jira jawiga adag ee amniga caalamka.

Ardayda markay dhammeeyaan shahaadada Daraasaadka Amniga Qaranka iyo Sirdoonka, waxay helayaan aqoon la taaban karo iyo xirfadaha fekerka ee loogu baahan yahay inuu u fekero qofka dejinaayo siyaasadda amniga qaranka iyo hay’ad sirdoon. Waxaana ka caawinaayo maaddooyinka nidaamka loo diyaariyey iyo tayada hab waxbarida ardayda dhigato jaamacadda.

 

Haddii aad ku cusub tahay kuliyadan waxbarasho ee Daraasaadka Amniga iyo Sirdoonka Qaranka ama aad horay ugu jirtay waaxda amniga, barnaamijkani waxbarasho wuxuu ku bari doonaa inaad si qoto-dheer leh u fahanto amniga qaranka iyo aragtida sirdoonka.

Layli shaqo (Internship):

Mudada 3-da sano ee aad dhiganayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa lagaa rabaa inaad shaqayso muddo 3 bilood ah si cilmiga aad baratay aad ugu shaqeyn karto. Farqi weyn ayaa u dhexeeya goobaha shaqada iyo goobaha waxbarashada. Si derbigaan loo jabiyo ardayda dhigato Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa loo diraa layliyo shaqo, waxayna ardayda ka helaan khibrad shaqo oo faa’ido weyn u leh si aysan indhaha u taagan marka ay jaamacadda dhammeystirtaan.

Waxaa jira layli shaqo oo lacag ah iyo mid aan mushahar lahayn

Waxaa jira laba nooc oo layliyo ah, kuwa lacag bixinaayo, iyo kuwa lacag la’aan. Inta badan waa lacag la’aan muddadaas 3-da bilood ah, laakiin waxaa laga yabaa inaad hesho kuwa mushaar bixinaayo.

Caadi ahaan waxay bixiyaan mushahar yar, laakiin waxay isu bedeli kartaa mushaar toos ah oo lacag fiican leh, waa haddii ay ka helaan shaqadaada, caqlaaqdaada iyo dadnimadaada. Haddii aad si xamaasad leh u shaqeyso, waxaa jirta fursad uu ururkaasi/shirkadaasi ku siin doono heshiis qandaraas toos ah.

“Faa’idooyin aan la soo koobi karin ayaa ku jira in ardaydeena aado Layli Shaqo”

Khibrad shaqo oo qiimo leh.

Midda ugu horreysa iyo tan ugu muhiimsan waa, dabcan, helitaanka khibrad shaqo oo qiimo leh. Waxaan waqtigeena qaaliga ah ku bixinaa waxbarasho aan noo diyaarin nolol la taaban karo, sax?

3-da sano ee waxbarashada jaamacaddeed, inta badan waxaynu leenahay hal hadaf. Inteena badan ujeedkeena waxbarasho ayaa ah inaan imtixanaadka ku baasto oo aan helno natiijo fiican. Laakiin ma isweydiisay waxbarashada kadib, ma tahay qof u diyaarsan inuu shaqeysan karo ama shaqo raadsan karo? sidee ula qabsan kartaa goobaha shaqada?

Layliga Shaqo waa wadada kaliya ee kaa caawin kara oo ku baraya qaybta dhabta ah ee nolosha maalin laha ah. Indhahaagu aad bay u furmi doonaan markaad ogaato goobaha shaqada iyo waxyaabaha ka jira, gaar ahaan farqiga u dhexeeya cilmiga aad jaamacadda kasoo baratay iyo goobaha shaqada. Ujeedka ay jaamacadda ka leedahay layligaan shaqo ayaa ah in ardayda ka baxday Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ay yihiin kuwa u diyaarsan suuqa shaqada, wakhti horeba CV-gooda dhisan yahay.

Tan iyo markii la aasaasay, barnaamijkan waxbarasho ee Nabadda iyo Caddaaladda Bulshada ee Caalamiga ah wuxuu ardayda barayaa sida ay dhaqso u fahmi karaan marka ay jirto caddaalad-darro, gaar ahaan isbarbardhiga caddaalad-darrooyin hore iyo kuwa jira hadda iyo sida loo aqoonsado nidaamyada dowladdeed ee rabshadaha ku dhisan.

Nabadda Caalamiga ah iyo Caddaaladda Bulsho waa barnaanij waxbarasho jaamacaddeed oo ujeedkiisu yahay inay abuurto muwaadiniin xog-ogaal ah oo firfircoon oo u fiirsada arrimaha dowladnimada iyo qiyamka lagama maarmaanka u ah dhismaha bulshada si wax loogu qabto colaadaha iyo caddaaladda iyo sinnaanta la’aanta.

Yaa iska diiwaan gelin kara?

Waxaa bilaabi karo oo iska diiwaan gelin karo qofwalbo oo dugsiga sarre dhammeeyay, qof horrey usoo qaatay kuliyadaha kale ee waxbarashada jaamacaddeed.

Si’aad iskeega diiwaan geliso kuliyadan waxbarasho waxaad u baahan tahay inaad halkaan ka akhrisato RIIX HALKAAN. Haddii wakhti horeba aad go’aansatay inaad kamid noqoto ardaydeena waxaad u baahan tahay oo kali inaad iska diiwaan geliso sida ugu dhaqsiyaha badan adigoo nagala soo xariiri karo emailka xafiiska diiwaangelinta: admissions@ramaas.edu.so ama telefon lambarkeena: 61010 71010

Waxaad kaloo si toos ah iskeega diiwaan gelin kartaa qaab ONLINE ah, adigoo waliba kusoo diri karo dhammaan dokumentiyada lagaaga baahan yahay si ay jaamacadda kuu aqbasho: RIIX HALKAAN

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top