Shahaadada Jaamacaddeed ee Falsafada, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha “Bachelor of Philosophy, Politics and Economics” waa ‘shahaado’ caalami ah oo la aqoonsan yahay, aadna loo ixtiraamo dadka soo bartay, taasoo ardayda soo baratay fursado shaqooyin kala duwan ka hela xagga hay’adaha caalamiga, dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada.
Inta badan dadka soo bartay kuliyadan waxbarasho waxay noqdaan siyaasad-dejiyaal, saxaafiyiin, diblomaasiyiin, la-taliye siyaasadeed, maareeyaha ololaha siyaasadda, sharciga, la taliyaha dhaqaalaha, falanqeeyaha cilmi-baarista dhaqaalaha waxayna inta badan u shaqeeyaan waaxda adeegga dibadda, ururada aan dawliga ahayn (NGOs), iwm.
Barashada Falsafadda, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha (PPE) wuxuu ardayga baranayaa nidaamyada xukun ee dunida ka jira, fahanka dhaqaalaha, bulshada, siyaasadda iyo fikirka falsafada ay saameyn wax ku ool ah ku yeelan doonto nolosha garaadka ardayda, sidaas darteedna bulshada guud ahaan wuxuu ardayga u yeelanayaa aqoon-duruqsan.
Sida ay dunidu u horumartay awgeed, Guddiga Sarre ee Aqoonyahanada ee Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxay isla garteen inay lagama maarmaan tahay in kuliyadan lagu soo daro kuliyadaha ay bixiso jaamacadda. Sidoo kale, kuliyadan ayaa waxaa ku jira koorsooyin saameyn weyn ku yeelan kara nolosha ardayga marka laga fiiriyo in ay jaamacadda soo saarto filosoof soomaaliyeed oo aragtidiisa la jaan-qadi karto dunida casriga ah. Iyadoo ujeedka koowaad ee koorsooyinkan yihiin in la fahmo adduunka inagu xeeran, horumarinta xirfado waxtar u leh nidaamyada dowladnimo iyo horumarka la rajeynaeyo inay ku tilaabsato Soomaali sanadaha soo socota.
Waxa kale oo aad sahamin kartaa culuum kala duwan oo ku hoos jira cinwaannada guud ee Falsafadda, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha. Tusaale ahaan, waxaad ku takhasusi kartaa cilmiga bulshada ama xiriirka caalamiga adiga oo dooranaya xulashooyinka Siyaasadeed ee khuseeya.
Saddexdan maado Falsafada, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ayaa mid waliba si gaar ah ayaad wax ugu baran kartaa. Barashada falsafadu waxay horumarisaa qaab gorfayntaada iyo garaadkaaga – iyada oo ardayda ay ka doodayaan su’aalo qoto dheer leh, oo yaab leh sida ‘maxaynu (dhab ahaantii) ogaan karnaa?’ iyo ‘waxyaabaha siyaasad-akhlaaqeedka ku dhisan?’ kuwaas oo soo jiidasho leh.
Dhanka kale, daraasadda siyaasaddu waxay ardayda siinaysaa faham buuxa oo ku saabsan saamaynta ay hay’adaha siyaasadeed ku leeyihiin bulshooyinkooda. Nooca daraasaddan ayaa ardayda ka caawinayso inay fahmaan nidaamyada siyaasadda oo si joogta u saameyn karo bulshada qeybaheeda kala duwan sida hababka isbeddelka siyaasadda, baaritaanka fikradaha iyo qiyamka loo isticmaalo falanqeynta siyaasaddeed.
Qeybta ugu dambeyso ee Dhaqaalaha waa daraasadda sida macaamiisha, shirkadaha iyo dawladdu u gaaraan go’aamo si wadajir ah u go’aaminaya sida loo qoondeeyo kheyraadka. Qiimaynta dhaqaaluhu waxa ay noqotay mid lama huraan ah oo sii kordheysa si loo sameeyo macnaha siyaasad-dejinta dowladda, hab-dhaqanka ganacsiyada iyo isbeddellada dhaqaale ee baaxadda leh ee adduunka oo dhan.
Dhammaan saddexda laamood ee Falsafada, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxay leeyihiin sumcad caalami ah, oo ay taageeraan in ka badan 200 aqoonyahanno oo caan dunida ka ah.
Layli shaqo (Internship):
Mudada 3-da sano ee aad dhiganayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa lagaa rabaa inaad shaqayso muddo 3 bilood ah si cilmiga aad baratay aad ugu shaqeyn karto. Farqi weyn ayaa u dhexeeya goobaha shaqada iyo goobaha waxbarashada. Si derbigaan loo jabiyo ardayda dhigato Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa loo diraa layliyo shaqo, waxayna ardayda ka helaan khibrad shaqo oo faa’ido weyn u leh si aysan indhaha u taagan marka ay jaamacadda dhammeystirtaan.
Waxaa jira layli shaqo oo lacag ah iyo mid aan mushahar lahayn
Waxaa jira laba nooc oo layliyo ah, kuwa lacag bixinaayo, iyo kuwa lacag la’aan. Inta badan waa lacag la’aan muddadaas 3-da bilood ah, laakiin waxaa laga yabaa inaad hesho kuwa mushaar bixinaayo.
Caadi ahaan waxay bixiyaan mushahar yar, laakiin waxay isu bedeli kartaa mushaar toos ah oo lacag fiican leh, waa haddii ay ka helaan shaqadaada, caqlaaqdaada iyo dadnimadaada. Haddii aad si xamaasad leh u shaqeyso, waxaa jirta fursad uu ururkaasi/shirkadaasi ku siin doono heshiis qandaraas toos ah.
“Faa’idooyin aan la soo koobi karin ayaa ku jira in ardaydeena aado Layli Shaqo”
Khibrad shaqo oo qiimo leh.
Midda ugu horreysa iyo tan ugu muhiimsan waa, dabcan, helitaanka khibrad shaqo oo qiimo leh. Waxaan waqtigeena qaaliga ah ku bixinaa waxbarasho aan noo diyaarin nolol la taaban karo, sax?
3-da sano ee waxbarashada jaamacaddeed, inta badan waxaynu leenahay hal hadaf. Inteena badan ujeedkeena waxbarasho ayaa ah inaan imtixanaadka ku baasto oo aan helno natiijo fiican. Laakiin ma isweydiisay waxbarashada kadib, ma tahay qof u diyaarsan inuu shaqeysan karo ama shaqo raadsan karo? sidee ula qabsan kartaa goobaha shaqada?
Layliga Shaqo waa wadada kaliya ee kaa caawin kara oo ku baraya qaybta dhabta ah ee nolosha maalin laha ah. Indhahaagu aad bay u furmi doonaan markaad ogaato goobaha shaqada iyo waxyaabaha ka jira, gaar ahaan farqiga u dhexeeya cilmiga aad jaamacadda kasoo baratay iyo goobaha shaqada. Ujeedka ay jaamacadda ka leedahay layligaan shaqo ayaa ah in ardayda ka baxday Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ay yihiin kuwa u diyaarsan suuqa shaqada, wakhti horeba CV-gooda dhisan yahay.
Tan iyo markii la aasaasay, barnaamijkan waxbarasho ee Nabadda iyo Caddaaladda Bulshada ee Caalamiga ah wuxuu ardayda barayaa sida ay dhaqso u fahmi karaan marka ay jirto caddaalad-darro, gaar ahaan isbarbardhiga caddaalad-darrooyin hore iyo kuwa jira hadda iyo sida loo aqoonsado nidaamyada dowladdeed ee rabshadaha ku dhisan.
Nabadda Caalamiga ah iyo Caddaaladda Bulsho waa barnaanij waxbarasho jaamacaddeed oo ujeedkiisu yahay inay abuurto muwaadiniin xog-ogaal ah oo firfircoon oo u fiirsada arrimaha dowladnimada iyo qiyamka lagama maarmaanka u ah dhismaha bulshada si wax loogu qabto colaadaha iyo caddaaladda iyo sinnaanta la’aanta.
Yaa iska diiwaan gelin kara?
Waxaa bilaabi karo oo iska diiwaan gelin karo qofwalbo oo dugsiga sarre dhammeeyay, qof horrey usoo qaatay kuliyadaha kale ee waxbarashada jaamacaddeed.
Si’aad iskeega diiwaan geliso kuliyadan waxbarasho waxaad u baahan tahay inaad halkaan ka akhrisato RIIX HALKAAN. Haddii wakhti horeba aad go’aansatay inaad kamid noqoto ardaydeena waxaad u baahan tahay oo kali inaad iska diiwaan geliso sida ugu dhaqsiyaha badan adigoo nagala soo xariiri karo emailka xafiiska diiwaangelinta: admissions@ramaas.edu.so ama telefon lambarkeena: 61010 71010
Waxaad kaloo si toos ah iskeega diiwaan gelin kartaa qaab ONLINE ah, adigoo waliba kusoo diri karo dhammaan dokumentiyada lagaaga baahan yahay si ay jaamacadda kuu aqbasho: RIIX HALKAAN