“Ma aqaan’ waa weer kuu furi karta sidee u bartaa iyo xaggee ka bartaa”
Xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed.
Barashada maaddooyin aad xiisaynayso waxay noloshaada jaamacaddeed ka dhigaysaa mid aad u fudud oo xiiso badan leh. Waxaana marwalbo wanaagsan in waxbarashadaada jaamacaddeed iyo hadafkaaga nololleed ee aad rabto inaad xaqiijiso inta aad dunida joogto ay islahadaan.
Markaad baarayso jaamacadaha, raadi faahfaahin ku saabsan fursadaha waxbarasho ee khibradeed ee aad ka faa’iidaysan karto. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad isku shaandhayso liiska barnaamijyada suurtogalka ah ee ay bixiyaan. Sababtoo ah, kuliyada waxbarashada jaamacaddeed ee aad doorato inaad jaamacad ka dhigato ayaa badanaa go’aamin doonta nooca shahaadada aad rajaynayso inaad ka qaadato jaamacadda.
Shahaadooyinka Bachelor-ka waa dariiqa ugu caansan ee shahaadada jaamacadeed ee loo maro tacliinta sare, waxayna ku kala duwan yihiin maaddooyinka – min cilmiga sharciga, xariirka caalamiga, ganacsiga iyo dhaqaalaha, cilmiga amniga iyo difaaca iwm.
Halkaan ayaad ka heli kartaa dhammaan kuliyadaha la xariira Dowladnimada iyo Difaaca
Halkaan ayaad ka heli kartaa dhammaan kuliyadaha la xariira Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Hal-abuurka
Inta badan shahaadooyinka Bachelor-ka ee ay bixiso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxa ay soconayaan saddex sano oo kali, waa haddii aad si buuxda ah u dhigato, iyada oo qiimayn lagu sameenayo imtixaanada isugu jira, layli shaqo, qaab qoristaada, iyo mashruucyada cilmi baarista si aad cilmi ugu kororsato.
Kahor intaadan codsanin Jaamacad, waxaa jira su’aalooyin waaweyn oo aad u baahan tahay inaad iswaydiiso. Kuliyadee waxbarasho jaamacadeed ayaa igu habboon? Jaamacadee ka heli karaa cilmiga aan raadinaayo inaan barto?
Ardayda qaarkood waxaa maskaxdooda marwalbo ku jira oo ay ogyihiin jaamacadda ay dhigan lahayeen oo wakhti horeba qalbigooda degtay, taasoo ay u arkaan inay ka kororsan doonaan cilmi iyo sharaf ku sumadaysan shahaadada jaamacadda. Halka qaar kalena ay doortaan jaamacad laga heli karo kuliyadaha waxbarasho ee ay xiisaynayaan.
Marwalbo oo aad jaamacad aadayso waxaad u baahan tahay inaad raadiso jaamacad ku habboon yoollalkaaga mustaqbalka. Jaamacad aad ka heli karto kuliyadaha aad dhiganayso iyo sidoo kale maaddooyinka lagu dhigo kuliyada waxbarasho ee aad xiisaynayso.
Barashada maaddooyinka aad xiisaynayso waxay waxbarashadaada jaamacaddeed ka dhigaysaa mid aad u fudud oo xiiso badan leh. Midaas ayaana kuu fududayn karto markaad dooranayso kuliyadaha waxbarasho ee aad rabto inaad ka dhigato, marar badan ma fududa inaad doorato waxaad rabto inaad barato. Si laguu caawiyo, jaamacadaha qaarkood waxay bixiyaan talo-bixin ku saabsan kuliyada waxbarasho ee kugu habboon. Si’aad u hesho talo-bixinta Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaad la xariiri kartaa xafiiska diiwaan gelinta ee ardayda cusub.
Dhisada qibradaada shaqo Jaamacadda kadib
Layliga shaqo (internship) waa arrin kale oo weyn oo ay tahay inaad tixgeliso markaad go’aan ka gaareyso kuliyada waxbarasho ee aad rabto inaad doorato. Sababtoo ah, suuqa shaqada waa mid ay ka jiraan tartan adag, shaqaale xirfad lehna baahi badan ayaa loo qabaa.
Marwalbo suuqa shaqada, qofka kasoo qalin jebiyay jaamacad iyo qof aan jaamacad kasoo qallin-jabinin ayaa waxa ka rajo wanaagsan in loo doorto shaqo qofka jaamacad kasoo qallin jabiyey – kawaran qofka jaamacadda kasoo qallin-bedeshay haddana leh qibrad shaqo? jawaabta adigaba waad fahmi kartaa. Sidaas awgeed, dadka raba inay helaan waayo-aragnimo shaqo, raba inay helaan fikrad ku saabsan xirfadaha ay baranayaan waxaa wanaagsan marwalbo inay raadsadaan goob layli shaqo oo ku habboon, waxayna u furi kartaa waddooyinka mustaqbalkooda iyo goobaha ku habboon ee ay ka shaqeyn karaan.
Mudada 3-da sano ee aad dhiganayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa lagaa rabaa inaad shaqayso muddo 3 bilood ah si cilmiga aad baratay aad ugu shaqeyn karto. Farqi weyn ayaa u dhexeeya goobaha shaqada iyo goobaha waxbarashada. Si derbigaan loo jabiyo ardayda dhigato Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa loo diraa layliyo shaqo, waxayna ardayda ka helaan khibrad shaqo oo faa’ido weyn u leh si aysan indhaha u taagan marka ay jaamacadda dhammeystirtaan.
Waxaa jira layli shaqo oo lacag ah iyo mid aan mushahar lahayn
Waxaa jira laba nooc oo layliyo ah, kuwa lacag bixinaayo, iyo kuwa lacag la’aan. Inta badan waa lacag la’aan muddadaas 3-da bilood ah, laakiin waxaa laga yabaa inaad hesho kuwa mushaar bixinaayo.
Caadi ahaan waxay bixiyaan mushahar yar, laakiin waxay isu bedeli kartaa mushaar toos ah oo lacag fiican leh, waa haddii ay ka helaan shaqadaada, caqlaaqdaada iyo dadnimadaada. Haddii aad si xamaasad leh u shaqeyso, waxaa jirta fursad uu ururkaasi/shirkadaasi ku siin doono heshiis qandaraas toos ah.
Layliga Shaqo waa wadada kaliya ee kaa caawin kara oo ku baraya qaybta dhabta ah ee nolosha maalin laha ah. Indhahaagu aad ayay u furmi doonaan markaad ogaato goobaha shaqada iyo waxyaabaha ka jira, gaar ahaan farqiga u dhexeeya cilmiga aad jaamacadda kasoo baratay iyo goobaha shaqada. Ujeedka ay jaamacadda ka leedahay layligaan shaqo ayaa ah in ardayda ka baxday Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ay yihiin kuwa u diyaarsan suuqa shaqada, hal-abuurna leh, wakhti horeba CV-gooda dhisan yahay.
Marwalbo marka aad baarayso jaamacadaha, raadi faahfaahin ku saabsan fursadaha waxbarasho ee khibradeed ee aad ka faa’iidaysan karto. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad isku shaandhayso liiska barnaamijyada suurtogalka ah ee ay bixiyaan iyo goobaha aad shaqo ka heli karto.
Waa maxay natiijooyinka aan u baahanahay si aan jaamacad u galo?
Kahor intaadan codsan jaamacad, waxaad u baahan tahay inaad ka warqabto in jaamacadaha ay dejiyaan shuruudaha gelitaanka ee kuliyadaha waxbarasho ee ay bixiyaan. Waxayna ku kala duwan yihiin shahaaddooyinka jaamacaddeed ee ay bixiyaan.
Waa ay ku kala duwanaan karaan iyadoo loo fiirinayo maadada, koorsada iyo qeexida jaamacada.
Tusaale ahaan, si aad Kuliyada Sharciga ah ugu barato Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (UNIGOVEC) waxaad marka hore u baahan tahay inaad haysato natiijooyin sarre ee maaddooyinkaaga dugsiga sarre ama inaad haysato qibrad shaqo oo 2 sano ah oo la xariirta sharciga.
Sidaa darteed waxaa habboon inaad raadiso kuliyado waxbarasho oo ku habboon natiijooyinkaaga dugsiga sarre, adigoo hubinaayo sharuudaha gelitaanka kuliyadaha waxbarasho ee ay jaamacadda bixiso.
Sidee iskeega diiwaan gelin karaa Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha?
Jaamacadda waxaa iska diiwaan gelin karo qofwalbo oo dugsiga sarre dhammeeyay, qof horrey usoo qaatay kuliyadaha kale ee waxbarashada jaamacaddeed.
Haddii wakhti horeba aad go’aansatay inaad kamid noqoto ardaydeena waxaad u baahan tahay oo kali inaad iska diiwaan geliso sida ugu dhaqsiyaha badan adigoo meelwalbo caalamka ka jooga (qaab ONLINE ah adigoo waliba kusoo diri karo dhammaan dokumentiyada lagaaga baahan yahay si ay jaamacadda kuu aqbasho – HALKAAN RIIX) ama waxaad nagala soo xariiri kartaa emailka xafiiska diiwaangelinta: admissions@ramaas.edu.so ama telefon lambarka: 061010 71010.