3 Siyaabood oo noloshaada guul gaarsiin kara haddii aad sameyso


Qof kasta riyadiisa ayaa ah inuu nolosha ku guuleysto. Laakiin, qaar badan uma rumoobaan riyooyinkooda. Waxaa jira farqi udhaxeeya “Waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtar” iyo “hamigeygu waa inaan noqdo dhaqtar waana dadaalayaa si aan dhaqtar u noqdo.”

Qofna ma rabo in loogu yeero ama loo arko inuu yahay mid fashilmay ama guuldareystay. Si kasta oo ay u adag tahay una xanuun badan tahay, waxaan wada qiran karnaa inaan ku guuldaraysanay nolosheena qeybo kamid ah.

Laakiin qof walba waxaa haysta hammi iyo wax ku weyn maskaxdiisa ama maskaxdeeda, balse dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sheyga maskaxdooda ka guuxa wakhti intee la’eg ayey u baahan yihiin inay ku qaadato, maxaa yeelay waxwalbaa wuxuu qaataa waqti, wixii waqti qaata oo kaliya ayaa la ogaan karaa guushiisa inta ay la’eg tahay.

Waxaan qirayaa dhammaan dedaalada aad sameyso waxay noqoyaan waxtar la’aan haddii aadan qaadin tallaabooyinka kugu hagi kara guusha dhabta ah. Halkaan waxaan kuugu soo gudbinayaa seddax siyaabood oo fudud oo noloshaada guul gaarsiin kara haddii aad si quman u raacdo.

  1. Keydinta

“Lacag: Maanta i badbaadi, berri ayaan ku badbaadin doonaa.” Miyaadan horay u maqal weertan? Hada waad haysaa.

Muhiimadda ay leedahay in lacag la keydiyo lama soo koobi karo. Xaqiiqdii, faa’iidooyin badan oo la xaqiijiyay ayaa sheegaya. Laakiin, wali ma isweydiisay inaan lacag meel dhigto maxay muhiim iigu tahay?

Marka ugu horeysa, inaad lacag keydsato waa muhiim maxaa yeelay waxay kaa caawineysaa inaad isku difaacdo haddii ay dhacdo xaalad dhaqaale oo deg deg ah. Intaa waxaa sii dheer, keydinta lacagtu waxay kaa caawin kartaa inaad iska bixisid qarashyada wax iibsiga ah, inaad iska ilaaliso deynta, inaad yareyso culeyskaaga dhaqaale iyo inaad yeelato xorriyad dhaqaale.

Dhallinyaradu waxay u arkaan kaftan markii aad weydiisato inay lacag keysadaan iyo inkale. Waxaa laga yabaa inay ku yiraahdaan “Wali waxaan ku jiraa 20s / 30s, maxaan u keysadayaa? Xitaa lama hubo inaan ku noolaan doono ama aan ka dhiman doona.”

Xaqiiqada ayaa ah nolosha waa mid aad u adag, waxwalbo ayaa ku soo bixi kara mana qurux badna inaad qof gacan u hoorsato wakhtiyada adag ee ku soo mara, waad xanuunsan kartaa – yaase kaa bixinaayo caafimaadkaaga.

Inaad keyd dhaqaale leedahay waxay kamid tahay guulaha noloshaada. Marwalbo oo keydkaagu fiican yahay waxaa kor u kaca isku kalsoonaanta aad isku kalsoon tahay – mustaqbalkana waxaad dareemaysaa iftiin. Waxaana laga yabaa inaad hesho fursad ganacsi ee aad bilaabi karto.

2. Go’aanka adag

Dunidaan lagu wada nool yahay shacuub walba waxay dadaal ugu jirtaa habbeen iyo maalin sidii nolosha horumar loo gaarsiin lahaa. Dhallinyaradu waxay ka mid yihiin muraayadda iftiimisa, isla markaana halbeegga hormarka lugu cabbiro.

Way adag tahay in aynu nafteena ku canaananno dhaawaca iyo nolol xumada ku habsatay dhallinyarada Soomaaliyeed. Sidaas awgeed, waa lagama maarmaan inaad la timaado go’aan adag. Haddii aad hal jeer guuldareysato, ma ahan dhamaadka guusha noloshaada, iskuday markale.

Waa adag tahay in aad si sahlan u hesho xaqiiqda dhabta ah iyo dhammaadka guusha. Waxaa muhiim ah in aad taqaano hadafkaaga waayo hadafku waa sallaanka nolosha iyo meesha aad u socoto. Yoolkuna waa dhammaadka hadafka. Waxay kuu fududaynaysaa hadafku in meeshaad u tabaabushaysatay aad gaarto welwel la’aan.

Muhiimadda ayaa ah in aad taqaanno barta iyo madasha aad u sadcaalayso adigoo la imanayo go’aan adag.

Uma baahnid inaad ka timaado qoys hodan ah si aad u guuleysato, runti, cilmi baaris ayaa sheegeysa in dadka ugu taajirsan adduunka intooda badan ay lahaayeen bilow aad u hooseeya laakiin ay naftooda u shaqeynayeen si ay u gaaraan nolol guuleysata, maxaa yeelay waligood ma aysan joojin waxa ay sameynayaan way jeclaayeen. Waxay go’aansadeen in ay maraan wixii caqabad ah ee ka hor yimaada.

3. Qorshayn

Ku guuldareysiga qorsheynta ayaa keena inay fashilanto guushaada. Si aad u guuleysato, waxaad u baahan tahay inaad yeelato hadafyo nolosha ah iyo qorshe ah sida lagu gaaro himilooyinkaas. Waxaana lagaaga baahan yahay inay noqdaan qorshayaal macquul ah iyo yoolal la gaari karo. Waxaad ubaahantahay inaad kubilaabato qorshooyin macquul ah, kama dambeystii si tartiib ah ayaad ula qabsan doontaa.

Haddaba, haddii aad rabto buur fiinteed in aad fuusho, ogow kuu suurtoobi mayso adiga oo ugu horrayn aan daadin culayskii aad horey u sidatay, waa fekerka iyo ficillada aad hubto in aadan fiinta ku fuuli karin. Markaas kadibna waa in aad dhididdaa, murqo iyo maan ku xanuunaan, muddona aad isha ku haysaa buurta fiinteeda oo ah hankaaga iyo meesha aad u socoto. Waxaa muhiim ah inaad ka feejignaato waxa dadka badankiisa u diida inay ku dhiirradaan hankooda nololeed.

Gunaanad

Qof kasta riyadiisa ayaa ah inuu nolosha ku guuleysto. Laakiin, qaar badan uma rumoobaan riyooyinkooda. Waxaa jira farqi udhaxeeya “Waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtar” iyo “hamigeygu waa inaan noqdo dhaqtar waana dadaalayaa si aan dhaqtar u noqdo.”

Immisa qof ayaa kaqeybqaata aqoon-isweydaarsiga ama akhriya sida loo guuleysto? Dabcan, waa ay badan yihiin. Waan ogahay qof walbo wuxuu u baahan yahay dhiiro gelin si uu u helo wadada saxda ah, saxida qaladaadka iyo u socodka guusha. Farxad ku noolaaw waligaa.

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top