Ku dhawaaqid astaanta jaamacadda iyo magac beddelka cusub
Magaca iyo Astaanta cusub ayaa ka turjubanayso ujeedada ay u taagan tahay Jaamacadda Ramaas. Dhexda waxaa kaaga dhex muuqda caddaalad iyo dowladnimo, Dhaqanka Soomaalida oo u taagan dhiisha, Cilmi baaris iyo sayniska, iyo dunida oo macnahiisu yahay in jiilkeena aan u diyaarino sidii ay dunida u hogaamin lahayeen. Shanta xiddig oo kore waa shanta soomaaliweyn iyo arkaamaha diinta islaamka. Dhinacyada waxaa kaaga muuqda xiddigo ka kooban 6 iyo 6 oo u taagan sanadka 12-ka biloood. Tiirarkana waa astaanta u taagan dhisida bulsho isbeddel leh.