‘Waxaan u mahad naqayaa maamulka iyo macalimiinta jaamacadda oo runtii fursad dahabiya inoo siiyay inaan qaadano koorsooyinkaan baahida wayn loo qabay.
Inta badan koorsooyinka khadka tooska ah ee ay bixiso jaamacadda waa kuwa raqiis ah oo ku habboon aqoonta iyo darajada koorsadaas, kuna habboon jeebka dadka isbeddel-doonka ah. Waxbarashada Online-ka ah waxay qofka u fududaynaysaa inuu wax baran karo asigoo shaqeysanaayo. Nidaamka casriga ee waxbarashada online ah ayay dad badan u arkaan fursad aad qaali u …